Wararka laga helayo gobolka Bay ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay soo furteen maxaabiis ay heystaan kooxda Alshabaab.
Weerar ay ciidamada dowladda ku qaadeen degaankaWar-gaduud Shanta oo 30 KM u jirta Baydhabo oo ay saldhig ku lahaayeen Alsahbaab ayaa halkaasi la sheegay in laga sii daayay maxaabiis ay heysteen Alshabaab.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda ayaa sheegay in Ciidamada ururka 46-aad ay la wareegeen Tuulada Wargaduud, kadib dagaal muddo yar socday, iyadoo aan la shaacin tirada maxaabiistaasi.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Alshabaab, iyadoo weerarro xoog leh ay ku qaadayeen saldhigyada ciidamada dowladda ku lahaayeen Gobollada Koonfureed.