Monday, July 14, 2025

Ciidamada Dowladda Suuriya oo sheegay inay soo rideen Gantaallo lagu soo weerarray Saldhig Ciidan

Warbaahinta dowladda Suuriya ayaa saaka shaacisay inay soo rideen, kana hortageen Gantaallo lagu soo weerarray Garoon ku yaalla duleedka magaalada Xims ee dalka Suuriya.

Saddex Gantaal ayaa lagu weeraray garoonka Shuceyraat ee u dhow magaalada Xims, iyadoo ciidamada Suuriya ay sheegeen inay ka hortageen oo ay soo rideen sawaariiqdaasi, iyadoo aan la sheegin cidda ka danbeysay weerarkaasi.

Afhayeenka Wasaaradad gaashaandhigga Mareykanka ayaa sheegay inaysan jirin howlgal milateri oo ciidamada Mareykanka ay ka fuliyeen Suuriya, waxayna wararka qaar sheegayaan in Israa’iil ay qaaday weerarkaasi.

Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo khubaro ka socota hay’ada dunida u qaabilsan Kiimikada ay Arbacadda tegayaan magaalada Douma ee la sheegay in weerar kiimiko uu ka dhacay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON