Tuesday, June 24, 2025

Ciidamada Ethiopia oo weerar ku qaaday Qabiilka Murle ee dalka Koonfurta Suudaan

Ciidamada Milatariga Ethiopia ayaa sheegay inay maanta gudaha u galeen dalka Suudaanta Koonfureed, ayna hareeyeen xaafado lagu haysto caruur laga soo afduubtay Ethiopia.

Carruurtan ayaa la afduubtay markii dagaalyahanno la tuhunsan yahay inay kasoo jeedaan qowmiyadda Murle ay jimcihii weerareen xaafado ku yaalla gobolka Koonfurta Galbeed ee Ethiopia ee Gambella.

Weerarkaas ayaa waxaa sidoo kale lagu dilay in ka badan 200 oo qof. Dowladda Suudaanta Koonfureed ayaa sheegtay inay la shaqeyneyso milatariga Ethiopia.

Sii hayaha wasiirka arrimaha dibedda Peter Bashir Gbandi ayaa sheegay in ciidamada Suudaanta Koonfureed aysan ku lug lahayn weerarkii dhacay Jimcaha.

Baba Medo oo ah guddoomiyaha gobolka Boma oo dagaalyahannada Murle ay ku nool yihiin, ayaa kooxda Cobra oo ah maleeshiyo hore oo deegaanka ku sugan ku eedeeyey weerarka.

David Yau Yau oo hoggaaminayey kacdoonkii Cobra ee ka dhanka ahaa dowladda Suudaanta Koonfureed ee sanadihii 2011 illaa 2013 ayaa beeniyey inay ku lug lahaayeen weerarka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON