Ciidamada gadoodsan ee Milateriga Soomaaliyam kuna sugan Gobolka Sh/Dhexe ayaa ku hanjabay inay galayaan magaalada Muqdisho, kadib markii uu dhammaaday waqtigii ay u qabteen xukuumadda inay xuquuqdooda ku bixiyaan oo shalay Galab ku ekaa.
Saraakiisha Ciidamadaee gadoodka u jooga degmada Balcad ee Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa shaaciyay inay wax jawaab ah ka helin wasiiradii uu hore ugu diray Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ballantu ahayd inay kusoo war celiyaan oo la xaliyo cabashooda una helaan xuquuqdooda.
Xubno ay hoggaaminayaan wasiirada Amniga Maxamed Abuukar Islow iyo Wasiirka Warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle ayaa ciidamadaasi u tegay oo waanwaan la galay, waxayna saraakiisha ciidamadaasi sheegeen inay fahmi waayeen qaabka loogu soo diray wasiiro aan shaqo ku lahayn arrimaha milateriga.
Saraakiishan waxay sheegayaan in bishii Disembar la diiwaan geliyay, isla markaana qaar ka mida lacag la siiyey qaar kalena aan muddo waxba ka siinin, waxayna xaaladooda ku macneeyeen in raashinkii ay ku noolaayeen laga goostay.
Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa lacag cabsi qabaa inay magaalada Muqdisho soo galaan iyadoo xaaladooda aan la xalin.