Monday, June 23, 2025

Ciidamada gadoodsan oo tegay Xarunta maamulka Degmo ka tirsan magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa xaqiijinaya inay ciidamada milateriga dowladda ee gadoodsan kana hor yimid muddo kororsiga Maxamed C/llaahi Farmaajo ay tageen xarunta degmo ka tirsan Caasimadda.

Ciidamadan ayaa lagu arkay xarunt maamulka degmada Howlwadaag oo ka mida degmooyinka ugu muhiimsan Gobolka Banaadir, waxaana ciidamadan ay dagaal la’aan ku galeen degmada markii ay isga baxeen ciidamo kooban oo Boolis ahaa, kuna sugnaa.

Xaaladan ayaa imaaneysa iyadoo caawa iska hor imaadyo dagaalo caasimada ku dhex mareen ciidamada taabacsan Maxamed Farmaajo iyo ciidamada gadoodsan ee taageeraya musharixiinta Madaxweynaha ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Ciidamadii xarunta tegay inay ka baxeen, iyadoo guddoomiyaha degmada xarunta H/wadaag oo shir jaraa’id ku qabtay saqdii dhexe kadib uu beeniyay in xaruntaasi la qabsaday.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON