Sunday, July 13, 2025

Ciidamada Galmudug oo dagaal ku qaaday Maleeshiyo ku sugan Degaanka Godinlabe

Dagaal ayaa ka bilowday degaanka  Godinlabe ee gobolka Galgaduud kadib markii ciidamada maamulka Galmudug ay weerar ku qaadeen dabley isbaaro dhigatay saaka halkaasi.

Ciidamada Nabadsugidda Galmudug ayaa la sheegay weerar ku qaadeen Maleeshiya degaanka ah oo dhowr goor ay isku dhaceen ciidamada Galgaduud.

Dagaal socday muddo kooban ayaa dhex maray labada dhinac, waxaana la soo weriyay inuu jiro qasaare dhaawac leh oo gaaray dadka shacabka.

Maleeshiyadii isbaarada digatay ayaa u baxsatay dhinaca magaalada Dhuusamareeb sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Ciidamada Nabadsugidda Galmudug.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON