Wararka laga helayo gobolka Mudug ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug laga diray magaalada Gaalkacyo si ay uga hortagaan maleeshiyo ka soo baxsatay degaanka Garacad oo soo galay degaanada Galmudug.
Maleeshiyo gaareysa ilaa saddex boqol oo ay ku jiraan saraakiishii hogaamineysay Alshabaabkii doomaha ku galay degaanka Garacad ayaa lasoo weriyay inay galeen tuullooyin hoostaga maamulka Galmudug siiba Bariga Mudug tuulooyinka Af-barqaawo ee qalqalooc, jiley iyo degaano balaaran oo lagu arkay iyagoo habqan ah.
Maleeshiyada Alshabaab ayaa la sheegay inay yihiin kuwo koox koox u socda oo raashin iyo biyo weydiisanaya dadka reer miyiga ah oo ay weydiinayaan halka ay ka jirto Xarardheere.
Madaxweynaha Galmudug oo ku sugan Gaalkacyo ayaa la sheegay inuu diyaarinayo ciidamo ku baxa kooxaha Alshabaab ee degaankiisa soo galay, iyadoo dhulkaasi uu yahay dhul miyi ah oo aad uga fog magaalooyinka.
Goobjooge.com