Wararka laga helayo saraakiisha ciidamada Galmudug ee dagaalka la galay kooxda Al-Shabaab ee kasoo firxatay degaanada Puntand ayaa sheegay inay qabteen Rag ka tirsan Al-shabaab oo ay ku jiraan Ajaanib ka tirsan Alshabaab.
Ajaaniibta Alshabaab ee ay gacanta ku dhigeen Ciidamada Galmudug ayaa sheegay in lagu qabtay meel u dhow degaanka Af-barwaaqo ee Bariga Gobolka Mudug, xilli la baadi goobayay maleeshiyo degaankaasi ku dhuumaneysay oo ka tirsan Alshabaab.
Maleeshiyada la qabtay ayaa tiradood lagu sheegay inaa toban dagaalyahan oo laba kamida ay yihiin Ajnabi, waxaana midkood u dhashay dalka Kenya, mid kale ayaan weli la aqoonsan oo la baarayaa dalka uu ka soo jeedo.
Inkastoo Galmudug ay sheegtay in lasoo afjaray dagaalkii kooxdii soo gashay degaankeeda ee Alshabaab, ayaa haddana waxaa jira dagaalyahano kale oo degaanada miyiga galay oo weli lasoo sheegayo.
Goobjooge.com