Wararka laga helayo magaalada Cadan ee dalka Yeman ayaa sheegaya in ciidamada Golaha Gooni-u-goosadka Koonfurta Yeman ayaa caawa qabsaday Madaxtooyada Magaalada Cadan iyo guud ahaan caasimadda KMG ahayd ee dowladda Yeman.
Ciidamadan oo ay sameysay, isla markaana ay taageerto Imaaraadka Carabta ayaa Caawa la wareegay Xarunta Madaxtooyada ee Macaashiiq, waxaana isaga baxay ciidamadii dowladda sharciga ah ee dalka Yeman oo dunidu aqoonsan tahay oo fadhi KMG u ahayd magaalada Cadan iyadoo aan dagaalamin, kadib dagaal socday muddo 4 maalmood ah. waxaana dowladdan oo uu madaxweyne ka yahay C/rabi Mansuur markii hore laga soo ereyay magaalada Sanca ay kala wareegeen kooxda Xuuthiyiinta.
Ciidamada Golaha KMG ah ee Koonfurta Yeman oo ah ciidamo u dagaalamaya inay Koonfurta Yeman ka dhigaan dal madax bannaan ayaa waxaa dhisay oo taageera dowladda Imaaraadka Carabta, waxaana tiradooda gaaray 90-kun oo askari.
Imaaraadka ayaa saacado ka hor soo saartay baaq ay dhinacyada magaalada Cadan ku dagaalamaya ugu yeertay inay rasaasta joojiyaan, arrintaas oo loo arkay mid siyaasadeed iyadoo la ogyahay inay mas’uul ka tahay waxa ka dhacay magaalada Cadan.
Wasaaradda Arrimaha dibadda Yeman ayaa ku eedeysay Imaaraadka inuu ka danbeeyay inqilaabka ka dhacay magaalada Cadan, iyadoo lagu geystay hubka iyo ciidamada ay dhistay dalka Imaaraadka. Dowladda Madaxweynaha ka nool ee dibad joogga ah iyo madaxweynaha ku nool dalka Sacuudiga ayaan la ogeyn waxa ay ku danbeyn doonaan.