Wednesday, December 11, 2019
More

    Farriinta Madaxweyne Farmaajo ee Munaasabadda Ciidul Adxaa.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidul Adxaa.

    Madaxweynaha ayaa tilmaamay mudnaanta gaarka ah ay leeyihiin maalmahan barakeysan ee bisha Carafa oo astaan u ah isu-naxariisashada, ilaalinta dadnta guud iyo midnimada dadka muslimiinta. Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu ugu hambalyeeyay Ciidammada Qalabka Sida ee ku sugan furimaha dagaalka, guulaha isdaba joogga ah ee ay soo hooyeen .

    Ad

    “Maalmahan barakaysan ee bisha Carafo waa maalmo ku weyn diinteenna iyo dhaqankeenna, waa maalmo ay kumannaan muwaadiniinteenna ah u jiheystaan sanad kasta, gudashada waajibaadka Xajka iyagoo naftooda, dadkooda iyo dalkoodaba Alle uga barya naxariis, barwaaqo iyo wanaag oo idil. Waxaan u dabbaal degaynaa Ciiddan iyadoo geesiyaasheenna Ciidamada Qalabka Sida ay ka xoreeynayaan milayshiyaadka argagixisada ah deegaanno hor leh oo cadowgaasi ay ku dhibaateynayeen dadkeenna, kana soo maleegayeen dhagarta iyo gumaadka ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed” ayuu farriintiisa ku yiri Madaxweyne Farmaajo.

    Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay dhammaan dadkeenna Soomaaliyeed in ay istaakuleeyaan oo garab istaagaan dadkeenna danyarta ah, si aynu wadajir ugu qeybsanno farxadda ciidda.

    Warar Xul ah

    NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

    131,590FansLike
    1,344FollowersFollow
    3,596FollowersFollow
    131,590FansLike
    1,344FollowersFollow
    3,596FollowersFollow

    WARARKA UGU SHIDAN

    error: Content is protected !!