Thursday, March 28, 2024

Golaha Odayaasha Jubbaland oo Beesha Caalamka ka dalbaday in lasoo farageliyo Doorashada Jubbaland

Qoraal ka soo baxay Gole ay leeyihiin Odayaasha Dhaqanka Jubbaland ayay uga dalbadeen Beesha Caalamka inay soo farageliyaan Doorashada Maamulkaasi oo ay sheegeen in la afduubtay.

Qoraal ay ku saxiixnaayeen 15 Oday oo ka mida odayaasha waaweyn ee dhaqanka Jubbaland oo loo diray Wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya James Swan, lana ogeysiiyay AMISOM, Midowga Yurub, IGAD iyo wakiilada safaaradaha Soomaaliya u jooga dalalka Yurub iyo IGAD ayaa lagu sheegay in kadib dilkii Suldaan C/rashiid Dhurre uu nidaamka Jubbaland ka taliya uu adeegsanayo falal uu doonayo inuu doorashada kula wareegto.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Jubbaland ku socoto xasilooni darro siyaasadeed iyo mid amni haddii aysan dowladda federaalka soo faragelin, waxaana lagu sheegay in Guddiyada Doorashada ee is barbar socda iyo xaaladda ka taagan magaalada Kismaayo ay dhalin karto nabadgelyo darro.

Ad

HOOS KA AKHRISO

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON