Sunday, July 13, 2025

Ciidamada Gorgor oo weerar rogaal celin ah qaaday iyo Dagaal culus oo ka socda degmada Beled-xaawo…

Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya inuu saaka dagaal mar kale ka qarxay magaalada xuduudka ku taalla ee Beledxaawo, kadib markii ay xalay xilli dambe weerar ku galeen ciidamo uu wato Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Janan.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in saaka uu mar kale bilowday dagaalka labada dhinac markii ay dagaal rogaal celis ah qaadeen ciidamada Gorgor, waxaana dagaalka xooggiisa la sheegay inuu waaberigii saaka ka qarxay xerada UK ee ay degan yihiin ciidamada Gorgor iyo dhismaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo ay ciidamada taabacsan Jubbaland xalay galeen, iyagoo dushiisa ka dagaalamaya.

Waxaa kaloo lasoo weriyey inuu dagaal ka socdo halka loo yaqaan Buurta magaalada Beledxaawo. Dagaalka xooggiisa ayaa dhex maraya ciidamada dowladda Soomaaliya ee Gorgor iyo kuwa taabacsan Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Janan.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamud Sayid Aadan ayaa sheegay in weli dagaal ka socdo magaalada Beledxaawo, iyadoo ay saldhigga iyo xarunta degmada gacanta ku hayaan ciidamada Jubbalan, sida uu yiri; wuxuuna ku dooday in dagaalka ay soo qaadeen ciidamado ku sheegay kuwa nabadsugidda Soomaaliya iyo Alshabaab.

Qasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa laga soo sheegay inuu dhaliyay dagaalka xalay xilli dambe ilaa saaka socda, siiba rasaas fara badan oo magaalada ay ku asqeeyeen ciidamada weerarrka soo qaaday.

Waxaa dadka ku dhintay ka mida taliye ku xigeenka saldhigga Beledxaawo Xidigle Maxamed Cabdi iyo qoys uu ku habsaday Madfac oo shan ka mida ay ku dhinteen, sida la xaqiijiyey.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON