Wednesday, June 25, 2025

Ciidamada ilaalada Madaxweyne Farmaajo oo lagu hor istaagay Degaanka Godinlabe & Wararkii ugu danbeeyay

Wararka laga helayo Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maleeshiyo qaab beeleed u abaabulan ay hor istaageen ciidamo ka mida ilaalada madaxweynaha Soomaaliya oo ku sii jeeday magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamada dhowr gaadiid wata oo hubeysan, kana mida ilaalada Madaxweyne Farmaajo ayaa ku sii jeeday magaalada Dhuusamareeb oo maanta uu ku wajahan yahay madaxweynaha, waxaana wararku shgeegayaan maleeshiyo beeleed uu fadhigeedu yahay degaanka Godinlabe ay u diideen inay u gudbaan dhinaca Dhuusamareeb.

Ciidamadan oo hordhac u ahaa wafdiga madaxweynaa ayaa la sheegay in lagu xanibay Godinlabe oo oo 50 KM u jirtaa Magaalada Dhuusamareeb, waxaana la sheegay inay wax dhaqdhaqaaq ah u diideen ciidamada madaxweynaha ilaalada u ah.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in maleeshiyada falkan ku kacday ay kasoo jeedaan Beesha Cadaado oo ka biyo diidan heshiiska Galmudug iyo Ahlu suna, waxaana goor dhoweyd la xaliyay arrintan markii ay Godinlabe gaareen xubno ka kala sodcday Ahlu suna, Galmudug iyo sarakiil kala duwan, ilaalada madaxweynaha ayaa hadda ku sii jeeda Dhuusamareeb iyagoo ka gudbay Mareergur.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON