Thursday, June 26, 2025

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda oo Howlgallo ka wada duleedka Baardheere

Ciidamada AMISOM ee Itoobiya iyo kuwa dowladda Federaalka ayaa saaka Hawada ka saaray Isgaarsiinta Degmada Baardheere ee gobolka Gedo, iyadoo wararka laga helayo magaalada ay sheegayaan in howlgal uu ka bilowday duleedka magaalada oo kooxo ka tirsan Alshabaab ay ku sugan yihiin.

Arrintan ayaa ka danbeysay kadib markii hwlgal ay ciidamo dowladda ee ka howlgala degmada Baardheere ay ka sameeyeen agagaarka Tuulada Haqaqable oo Baardheere u jirta ilaa 40-km ayey, iyagoo sheegay inay ku qabsadeen 3 gaadiid ah oo ay wateen Al shabaab, xilli gaadiidkaasi ay doonayeen in ay kala baxaan Dhiiqo ay galeen.

Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska Degmada Baardheere Garaad Axmed Warsame ayaa sheegay Shalay iyo ilaa xalay howlgal balaaran oo ay ka fuliyeen  Tuulada Haqaqable inay ku soo furteen 3 baabuur oo ay u isticmaali jireen Zekaadka, Hal cagafcagaf iyo Baabuur nooca Saafka ah.

 

Alshabaab ayaa weeraro joogto ah ku qaada Baardheere tan iyo markii ay la wareegeen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON