Ciidamada amaanka maamulka Koofur Galbeed oo wata gaadiid dagaal ayaa gaaray deeganka Abal ee gobolka Bakool.
Degaankaasi ayaa maalmihii ugu dambeeyay ay dagaallo ku dhex marayeen maleeshiyada Alshabaab iyo rag hubeysan oo uu hogaaminayo gudoomiye kuxigeenkii hore ee xarakada Mukhtaar Roobow Cali (Abuu-mansuur).
Degaanka Abal ayaa 18 KM dhinaca koofureed ka jira magaalada Xudur, waxaana ku wada sugan Ciidamada dowlad-goboleedka K/galbeed iyo Maleeshiyada Abuu Mansuur, iyadoo ay isaga baxeen dagaalyahannadii Alshabaab ee weerarka ku ahaa.
Wasiirka Amniga K/Galbeed Xasan Xuseen Max’ed (Xasan Eelaay) ayaa xaqiijiyay in ciidamada K/Galbeed ay gaareen degaanka Abal. Shiine Macallin Nuurow oo hogaaminaya ciidamada u gurmaday Mukhtaar Robow iska caddeeyay inay is gaareen labada ciidan iyo Roobow iyo kuwa Koonfur Galbeed.
Madaxda Maamulka K/Galbeed ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay ka gaabsadeen wax tallaabo ay oo ay ku taageeraan dhinac Sheekh Mukhtaar Roobow, iyadoo wax jawaab ah laga waayay markii ay taageero ka dalbadeen saraakiisha K/Galbeed.
Itoobiyaanka ayaa iska diiday inay qeyb ka noqdaan dagaalkan, taasoo keentay inay maamulka K/Galbeed iyo dowladda federaalka ay iskooda uu gurmadaan Sheekh Mukhtaar Roobow.
Goobjooge