Monday, June 23, 2025

Ciidamada Itoobiya oo dilay 100 ka mida banaanbaxyaasha Oromada & Amxaarada

Ugu yaraan 97 qof ayaa lagu dilay, boqolaal kalena waa lagu dhaawacay markii ciidamada Ammaanka Itoobiya ay rasaas nool ku fureen dadweyne Oromo iyo Amxaaro ah oo ku banaanbaxayay gobollada Oromiya iyo Amhara sida ay sheegtay Hay’adda caalamiga ah ee xuquuqda aadamiga u dooda Amnesty International.

Kumanaan dibad-baxayaal ah ayaa isugu soo baxay goboladda ugu dadka badan ee dalka Itoobiya oo ay degaan Oromada iyo Amxaarada, iyagoo dalbanaya isbedel siyaasadeed iyo Cadaalad.

Amnesty International waxay sheegtay in 67 qof lagu dilay gobolka Oromia, taasoo ah dil ka baxsan sharciga oo dad aan waxba galabsan lagu laayo. Goobta dadka ugu badan lagu laayay ayaa la sheegay inay tahay magaalada Bahir Dar  oo mar qura lagu dilay 30 qof.

Boqolaal qof ayaa xabsiyada la dhigay, waxaana qaarkood lagu hayaa saldhigyada ciidamada milateriga sida uu sheegay madax goboleedka Amnesty International Michelle Kagari,  oo intaas ku daray in ciidamada Itoobiya ay adeegsadeen gacan adag iyo awood xaf dhaaf ah.

Dowladda Itoobiya ayaa ku eedeysay caddow dibadda ah, Koox Barah bulshada adeegsata iyo argagixiso inay ka kiciyeen qalalaasaha.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON