Diyaarad Qaad siday ayaa rasaas lagu furay maanta markii ay isku dayday inay ka duusho Garoonka Diyaaradaha magaalada Xudur ee Gobolka Bakool.
Wararka ayaa sheegaya in diyaaradan ay Garoonka ku degtay iyadoo Qaadka laga mamnuucaya magaalada, kadibna ay isku dayday inay dib u duusho, laakiin ay iska dhega tirtay amar ay siiyeen ciidamada Itoobiya oo ahaa inaysan duulin.
Diyaaradda oo kaceysa ayaa la sheegay in ciidamada Itoobiya ay luaga ka rasaaseeyeen, taasoo keentay inay ka baxdo jidkii ay duuleysay, isla markaana ay dhex gasho xaafad u dhow garoonka.
Lama soo werin cid wax ku noqotay arrintan, waxaana wadahadal u socdaa maamulka Xudur, saraakiisha Itoobiya iyo shirkadda diyaaradda lahayd. Waxaana la sheegay in qasaare soo gaaray diyaaradda.