Wednesday, June 25, 2025

Ciidamada Itoobiya oo howlgalkoodii ugu horeeyay kula wareegay Saldhig ay banneeyeen ciidamada Kenya

Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegyaa in ciidamada Itoobiya ee dhowaan tegay  Jubbadda Hoose iyo maleeshiyada  maamulka Jubba ay maanta weerar ku qaadeen degaanka Buulo-gaduud ee duleedka Waqooyi uga beegan magaalada Kismaayo iyo Yoontooy.

Dagaal culus oo lagu bilaabay duqeyn madaafiicda goobta ayaa ka dhacay halkaasi, waxaana kadib ciidamada is kaashanaya la sheegay inay galeen Buulogaduudoo 30 KM u jira magaalada Kismaayo, halkaasoo ay dhowaan ka baxeen ciidamada Kenya oo dib uu gurtay Kismaayo.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalka iyo weerarka iyo duqeynta ka dhacday Buulo-gaduud ee dib lagu qabsaday. Waxaana la jaray isgaarsiinta magaalada Kismaayo.

Waxaa muuqda in Itoobiyaanka ay ka faa’iideysteen bixitaanka ciidamada Kenya iyagoo hadda isku balaarinaya Jubbooyinka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON