Saturday, June 28, 2025

Ciidamada Itoobiya oo qarka u saaran degmada Aadan-yabaal ee Gobolka Sh/hoose

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya ay xiisad ka taagan tahay degmada Aadan yabaal oo ciidamo Itoobiyaan ah ay ku soo dhowaadeen, isla markaana maleeshiyadii Alshabaab ee halkaas ku sugneyd ay bilaabeen inay isaga baxaan.

Ciidamada Itoobiya oo shalay ka soo ruuqaansaday gobolka Hiiran, gaar ahaan degmada Moqokori ayaa kaabiga ku haya soona gaaray duleedka Aadea Yabaa, Dadka degaanka ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiyaanka ay xalay ku hoydeen degaanka Oday Nuur oo ka tirsan Hiiraan oo 15KM u jira degmada Aaden Yabaal.

Warar goor dhow la helay ayaa sheegaya in ciidamadaItoobiya u dhaqaaqeen degaanka Mabaax 7 KM oo keliya u jira Aaden Yabaal.

Dadka Aadan yabaal iyo maleeshiyadii Alshabaab ayaa bilaabay inay ka qaxaan degmada iyadoo saacadaha soo socda la filayo in gaaraan degmada Adan yabaal, iyadoo Alshabaab aysan u muuqan inay ku dagaalami doonto magaalada.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON