Ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay inay laayeen dad shacab ah oo u badan Beeralay iyo reer Miyi kale oo ku sugnaa degaanada duleedka degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay.
Dadka degaanka ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya oo weerar culus kala kulmay Alshabaab saaka ilaa duhurtii ay rasaas ku fureen dad shacab ah, iyagoo dilay dad ka badan 10 qof oo ay degaanadooda ugu tageen.
Weerar ay Alshabaab ku qaadeen Kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah ayaa sababay qasaare xoog leh, iyadoo wararku sheegayaan in ciidamo fara badan oo Itoobiyaan ah lagu dilay weerarkaasi, taasoo keentay inay ciidamada Itoobiya laayaan dad shacab ah.