Wednesday, June 25, 2025

Ciidamada Itoobiya oo xasuuq naxdin leh ka geystay degaan u dhow Magaalada Baydhaba

Wararka laga helayo gobolka Bay, ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay dad rayid ah ku laayeen degaanka Awdiinle ee Gobolka Bay.

Dadka ciidamada Itoobiyaanka dileen ayaa lagu qiyaasay in ku dhow 30, waxaana uu xasuuqaasi maanta ka dhacay Awdiinle mar ay weerar ku qaadeen ciidamada Itoobiya. Warkan ayaan ilaa iyo hadda la xaqiijin inkastoo warkan si weyn u soo baxayo, lagana soo xigtay dadka degaanka.

Falkan naxdinta leh ayay wararka hordhaca ah sheegayaan in ciidamada Itoobiya ay rasaas ku fureen dad wadaado ah oo Quraan saarayay rad culimo ah oo la sheegay inay quraan saarayeen nin ka xasuusnaa.

Culimadii iyo Quraanka iyo dadkii kale ee  quraanka akhrinaayay ayaa la sheegay inay ku dhinteen, qaarkoodna la gowracay.

Lama oga sababta arrintan iyo qaabka ay u dhacday, waxaana warkan laga soo xigtay dadka degaanka oo sheegay in falka meesha ka dhacay ee ay ciidamada Itoobiya geysteen uu yahay mid naxdin leh.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON