Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in kooxda Alshabaab ay la wareegtay goor dhow degaanka Halgan.
Degaanka Halgan oo magaalada Beledweyne 40 KM oo qura u jira magaalada ayaa waaberigii saaka ay ka baxeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa Soomaalida, iyadoo wax yar kadib ay la wareegeen maleeshiyada Alshabaab.
Maleeshiyada Al-Shabaab oo boqolaal ah ayaa lagu arkay degaanka Halgan, waxayna Warbaahintooda ku shaaciyeen inay la wareegeen degaanka Halgan.
Halgan ayaa ahayd meel ciidamada Itoobiya iyo Alshabaab ay ku dagaalameen iyadoo 33 askari oo Itoobiyaan ah lagu dilay weerarkaasi lana sheegay in boqolaal Alshabaab ah lagu laayay (Akhri Warbixintan)
Ciidamada Itoobiya ayaa hore uga baxay degaanada Moqokori iyo Ceel Cali, iyadoo ay ka dhalatay falal dilal iyo gowrac ah oo loo geystay dad fara badan oo ay ku jiraan odayaal la gowracay.
Ciidamada Itoobiya ku sugan gobolka Hiiraan ayaa ah kuwo aan ka mid ahayn AMISOM oo markii ay doonaan iyo meeshii ay doonaan isaga baxaan degaanada ay hore u joogeen, lamana oga sababta keentay arrintan.
Goobjooge.com