Monday, June 23, 2025

Ciidamada Jabuuti oo Hub Culus u adeegsaday Dagaalkii Jicibow, kana saaray Dhufeyskii…

Ciidamada Jabuuti ee ka socda dalka Jabuuti ayaa Hub culus u adegsaday dagaalkii degaanka Jicibow oo shalay iyo maanta socday, isla markaana dhaliyey qasaaraha badan.

“Dagaalkii Jicibow wuxuu kusoo dhammaaday Guul.. ciidamada Hiil walaal ee Jabuuti ayaa adeegsaday madaafiic oo burburiyey, una sahlay ciidamada dowladda inay si buuxa uga adkaadaan Alshabaab.. waan u mahadcelinayaa…” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ka hadlay degaanka Dagaalku ka dhacay.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Buurihii ay ku jireen laga saaray, laakiin weli ay dhinaca Bari qaar uga harsan yihiin, iyadoo ay weerarka soo qaadeen Alshabaab gaaraya 400, haddana inta harsan laga tallaabin doono Webiga ay markii hore kasoo gudbeen.

Ciidamada Jabuuti ee fadhigoodu yahay Magaalada Buuloburte ayaa kaalin weyn ka qaadanaya dagaaladda Alshabaab ee ka socda Gobolka Hiiraan, iyadoo taageradya ciidamada dowladda iyo kwua daegaanka.

Dagaalkan oo soo bilowday shalay Aroortii ayaa ka mid ahaa kuwii ugu cuslaa ee ka dhacay Gobolka Hiiraan, waxaana ciidamada dowladda ay sheegeen inay ku dileen ilaa 90 Alshabaab ah.

Ilo madax bananan ayaa laga soo xigtay in Geerida Alshabaab inay gaareyso 20, halka ciidamada dowladda iyo ciidamada degaanka ay ka dhinteen ilaa 10, waxaana jira dhaawacyo fara badan., dagaalkuna aanu weli dhammaan

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON