Ciidamo ka tirsan Maamulka Galmudug oo ka gadoodsan mushaar la’aan heysata muddo dhowr bilood ah ayaa xiray Madaxtooyada Maamulka Galmudug ee Cadaado oo uu markaas ku sugnaa madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed iyo mas’uuliyiin badan oo ka tirsan maamulkaasi.
Ciidamadan oo adeegsanaya gaadiid dagaal ku xireen Al-baabka Madaxtooyada Galmudug ee Cadaado laga galo, iyagoo diiday in cidna gasho ama ka baxdo. Xaaladda ayaa cakirantay kadibna waxaa arrinta soo dhex galay saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka oo markii dambe ku guuleystay inay ciidamada ka qaadaan halkaasi.
Maamulka Galmudug ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo dhacdadaasi, iyadoo markaas kadib ay kulamo ka yeesheen madaxda Galmudug iyo saraakiisha ciidamada cabanaya oo la sheegay inaysan muddo 3 bilood ah helin wax mushaar ah.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]