Ciidamada ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa shaaciyey inay qabteeb Markab siday shidaal oo marayey Badda Khaliijka, iyadoo ku eedeysay inuu Markabkaasi siday shidaal sharci darro ah.
Iiraan ma shaacin markabkan iyo cidda leh, laakiin waxaa lagu sheegay war kasoo baxay ciidamada dalkaasi in shaqaalaha markabka ay yihiin ajaaniib, gacantana lagu hayo, wuxuuna markabku siday shidaal gaaraya 700,000 Litir oo loo tahriibinayey qaar ka mida dalalka Carbeed.
Falkan ayaa imaanaya iyadoo Iiraan ay hore u heysatay Markab laga leeyahay dalka Ingiriiska oo ay qabsatay bishii hore, markii ciidamada UK ay markab ay leedahay Iiraan oo shidaal siday ku qabteen jasiirada Giblater.
Iiraan ayaan looga barin inay ka hortagto shidaalka loo wado dalalka Carabta, waxayna arrintan ku soo beegantay iyadoo xiisad ka taagan tahay biyaha Khaliijka iyi Marinka Hormuz oo Mareykanku diyaarinayo ciidamo caalami ah oo amniga marinkaasi qaabilsan.