Ciidamada Kenya ee ku sugan magaalada Kismaayo ayaa la sheegay inay billaabeen dhaqdhaqaaq shaki abuuray oo muujinaya inay ka baxayaan magaalada.Wararka ayaa sheegaya in Markab ciidamada Kenya leeyihiin uu ku xirtay Dekadda Magaalada Kismaayo, iyadoo la bilaabay in lagu rarro Hubka iyo Gaadiidka Ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM.
Ciidamada Kenya ayaa la sheegayaa in ay raranayaan Gaadiidka uu ku buufsanyahay Magaca AU ee Midowga Afrika,waxaana Markabka ka baxay xalay Kismaayo uu ku sii jeedo Magaalada Mombasa ee Bariga Dalka Kenya.
Markab kale ayaa la sheegayaa isna in uu waddada ku soo jiro, kaas oo la filayo in Magaalada Kismaayo uu ka qaado Hub iyo Gaadiidka kale oo kenya ka yaalla Magaaladaas.
Ciidamada Kenya ayaa billaabay in ay isaga baxaan Koofurta Soomaaliya gaar ahaan Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo oo ay ka howlgalayeen tan iyo 2011kii.
20kii Bishii la soo dhaafay Ciidanka Kenya waxaa ay ka guureen Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo,waxa kale oo ay ka guureen degaanno ay ka midyihiin Tarako,Tuulo Barwaaqo iyo meelo kale oo ka mid ah Gobolka Gedo.