Tuesday, June 24, 2025

Ciidamada Kenya & Itoobiya oo isku qabsaday cidda lagu wareejinayo ciidamadii Barre Hiiraale ee Goobweyn

Ciidamadii taabcsanaa Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) ayaa maanta lagu wareejiyay ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Kismaayo, kadib markii Alshabaab qorsheysay inay ciidamadaasi weeraro lana wareegto.

In ka badan  50 askari oo kamida ku sugnaa duleedka magaalada Kismaayo ee Goobweyn oo hore uga mid ahaa ciidamadaii taabacsanaa Korneyl Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) oo dagaalka looga saaray magaalada Kismaayo, ayaa waxaa maanta loo gacan geliyay  Ciidamada Midowga Afrika ee ku  sugan Magaalada Kismaayo.

Ciidamadan oo muddo sanado ah ku sugnaa halka loo yaqaano Sabca Asharaaf, kana tirsan Deegaanka Goobweyn oo 11km u jirta Magaalada Kismaayo ayaa la sheegay inay isku qabsadeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya ee AMISOM ka wada tirsan cidda la wareegeysa, waxaana is qabqabsi iyo muran kadib la wareegay ciidamada Itoobiya.

Suxufiyiinta goobta ku sugnaa ayaa soo sheegay in ciidamada Itoobiya ay markii dambe ku guuleysteen in lagu wareejiyo askarta laga soo xareeyay Goobwayn, iyadoo askartaasi ay diideen ciidamada Kenya oo ay ku eedeeyeen inay qeyb ka ahaayeen dagaalkii looga soo saaray magaalada Kismaayo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON