Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in dad hor leh oo shacab ah ay ciidamada ka afduubteen halkaasi, ayna ua kaxeysteen gudaha Kenya.
Ciidamo ka tirsan milateriga Kenya ayaa 4 qof oo shacab ka afduubtay degaanka Daarusalaam, degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, waxayna u kaxeysteen gudaha Kenya, sida ay sheegeen dadka degaanka, waxayna dadkan ahaayeen reer Miyi qaarkood wateen Mootooyin.
Dadka degaanka ayaa dadka la qafaashay magacyadooda ku sheegay: C/fataax Xasan Nuur, C/fataax Diiriye Qorane, Cabdullaahi Cali Dhicis iyo Maxamed Ibraahim Afey.
Lama oga nolol iyo geeri xaaladda ay ku sugan yihiin afarta qof ee ciidamada Kenya afduubteen, waxayna arrintan imaaneysaa iyadoo ciidamada Kenya ay qof ku dileen saddex kalena ka afduubteen dhowaan degaan ka tirsan degmada Ceelwaaq, taasoo dhalisay bannanbaxyo careysan oo dadka Gobolka Gedo ay dhigeen.
