Tuesday, June 24, 2025

Ciidamada Kenya oo gudaha u galay Qaar ka mida Shirkadaha Xawaaladaha Soomaalida ee Nairobi &..

Dowladda Kenya oo sii wada olole ka dhan Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo kale oo maanta baaritaan iyo xarig ku bilowday qaar ka mida xawaaladaha Soomaalida ee ka howlgala dalkaasi, gaar ahaan magaalada Nairobi.

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Magaalada Nairobi waxaa baaritaan lagu qaaday Xawaaladaha Soomaalidaoo qaarkood shaqadii ka joogsatay, waxaana la sheegay in ciidamada Booliska Kenya ay gudaha u galeen xarumaha xawaaladaha ka badan shan ooe xarumaha ku lahaa magaalada Nairobi.

Xawaaladaha ay ciidamada galeen waxaa ka mida Taaji iyo Amal, waxaana istaagtay shaqadii xawaaladahan, iyadoo ay qeyb ka tahay ololaha dowladda Kenya iyo cadaadiska ay ku heyso dowladda Soomaaliya oo hadda u sii gudbay ganacsatada Soomaalida.

Wararka ayaa sheegaya in Kenya ay ogoshahay oo kaliya inay dalka Kenya ka shaqeyso Xawaaladda Dahabshiil, isla markaana la xirayo dhammaan xawaaladaha kale ee dalkaasi ka howlgala, iyadoo aan wax faahfaahin ah laga bixin.

Saaka ayay ahayd markii wasiir ku xigeen iyo laba senator oo ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho, markii ay Kenya u diiday dal-kugalkeeda oo hore garoomada loogu siin jiray mas’uuliyiinta wata Baasaboorada Diblomaasiyiinta.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON