Monday, June 23, 2025

Ciidamada Kenya oo si lama filaan ah uga baxay Baardheere [Dab ay qabadsiiyeen Agab]

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidammada Kenya ee qaybta ka ah hawlgalka Midowga Afrika ee loo yaqaano AMISOM ay saaka isaga baxeen saldhigyadiii ay ku lahaayeen magaalada Baardheere.

Dhaqdhaqaaqa bixitaanka ee Ciidamada Kenya ayaa maalmihii la soo dhaafay ka muuqanayay xeryaha ay magaalada Ku lahaayeen. Waxayna markii ay baxayeen aroornimadii saaka ay dab qabadsiiyeen agab ay ka mid tahay Booyad xerada ku sugnaa.

Bixitaanka ciidammada Kenya ayaa bilowday waqti danbe oo xalay ah iyagoo ku baxay waddada aada dhinaca degmada Ceelwaaq oo ku dhaw xadka Somaaliya ay la wadaagto wadanka Kenya.

Ad

Maamulka degmada ayaa xaqiijiyay in ciidammada Kenya ay guud ahaanba banneeyeen saldhigyadii ay ku lahaayeen Baardheere isla markaana ay u baxeen dhinaca Ceelwaaq.

Gudoomiyaha magaalada Cadow Nuur Xasan ayaa ku sababeeyay bixitaanka ciidammada Kenya mid la xiriirta hawlgalo kale oo ay gobolka Gedo ka fulinayaan gaar ahaan degmada Ceelwaaq, wuxuuna dhanka kale sheegay in ciidanka Soomaalida iyo kuwa kale ee Itoobiya ay ku filan yihiin amniga Baardheere.

Magaalada Baardheere waa magaalo istiraatiji ah waxana labo daamood u kala qaybiya wabiga Juba oo dhexmara, daanta ciidammada Kenya ay baneeyeen maahee daanta kale, wali waxaa saldhigyo ku leh ciidammada Itoobiya oo ay wehliyaan ciidammo Soomaali ah.

- Advertisement -

Ciidammada Kenya oo ay wehliyaan ciidammo Soomaali ah iyo kuwa Itoobiya oo si gaara u socda ayaa Baardheere kala wareegay Al-Shabaab bishii Luulyo sannadkii 2015.

Wakhtigaa wixii ka danbeeyay waxaa Baardheere maamulayay ciimmada Dawladda iyo kuwa wadamada dariska ah inkastoo ay weeraro joogta ah kala kulmayeen xoogagga Al-Shabaab oo ku soo qaadayay weeraro ku dhufoo ka dhaqaaqda ah iyo kuwa ay jidka ugu galayeen kolonyada sahayda u sida.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON