Thursday, June 26, 2025

Ciidamada Koofiyad-Casta oo Gurigiisa kala baxay Guddoomiyaha Xisbi uu hoggaamiyo Sheekh Mukhtaar Roobow

Guddoomiyaha xisbiga uu hoggaamiyaha u yahay Wadaadka u xiran dowladda Federaalka Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa maanta lagu xiray magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Xisbiga Amniga iyo Cadaaladda Yuusuf Xasan Mursal ayaa la sheegay inay gurigiisa Degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho ay kala baxeen ciidamada Koofiyad-casta Milateriga Soomaaliya ee fadhigoodu yahay Madaxtooyada Soomaaliya.

Sida uu sheegay Maxamed Ibraahim Bilaal oo ka mida madaxda xisbigaasi waxaa Guddoomiyaha Gurigiisa ka watay si sharci darro ah oo aan wax maxkamad ah loo so marin ciidamada Koofiyad casta, wuxuuna intaas raaciyey inaysan ogeyn meel uu ku xiran yahay iyo halka la geeyay guddoomye Yuusuf Xasan Mursal.

Yuusuf Xasan Mursal iyo xubno kale ayaa dhowaan xus iyo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, iyagoo dalbaday in xoriyadiisa loo soo celiyo Sheekh Mukhtaar Roobow.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca dowlada Somalia oo ku saabsan xariga mas’uulka sheegtay inuu madax u yahay xisbi uu hoggamiyo Sheekh Mukhtaar Roobow.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON