Thursday, December 8, 2022

Ciidamada Kumaandooska oo la shaaciyey inay la wareegeen Degaanka Masaajid Cali-Gaduud

Ciidamada dowladda iyo maleeshiyada Degaanka ayaa saaka la wareegay ddegaanka Masaajid Cali Gaduud ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii ay dagaalka la wareegeen ciidamada Danab iyo Gorgor.

Ciidamada Kumaandooska ee Danab iyo Gorgor ayaa galay Magaalada, kadib markii Miino baaris laga sameeyay, waxaana la sheegay inay magaalada inta badan ka baxeen Alshabaab shalay, balse uu iska hor imaad ka dhacay.

Wararka ayaa sheegaya in duqeyn xoog leh kadib ay Alshabaab isaga baxeen magaalada, waxaana dagaal qaraar uu ka dhacay Sabtidii 15-ka Bishan Oktoobar Alshabaab dagaal rogaal celis ah oo qasaare badan dhaliyey ay kula wareegeen markii ay saacado kooban qabsadeen ciidamada degaanka iyo kuwa dowladda.

Ad

Degaanka Masaajid Cali Gaduud ayaa ahaa goob muhiim ah oo Alshabaab ay ka difaacaan xaruntooda weyn ee Aadan-yabaal, iskuna xirta gobollada Sh/Dhexe iyo Galgaduud, waxaana hadda loo jiheysanayaa degmada Aadan Yabaal.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,995FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,995FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!