Wararka laga helayo Gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada gaarka ah ee Kumaandooska Soomaaliya ay Gacanta ku dhigeen Dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab.
Howlgal ay ciidamada Kumaandooska ee DANAB ka fulyeen degaanka Danwale ee degmada Walanweyn ayaa la sheegay in lagu soo qabtay dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab oo tiradooda lagu sheegay ku dhowaad 15, iyadoo ay ku jiraan Saraakiil Sare oo Shabaab ka tirsan.
Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga ayaa laga oo xigtay in Raggaan ka tirsan Shabaab ee gacanta lagu dhigay ay Miinooyin ku aasayeen goobta lagu soo qabtay, waxaana la sheegay in warbaahinta loo soo bandhigi doono xubnaha iyo saraakiisha Shabaabka ah ee lagu qabtay Gobolka Shabellaha Hoose.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah olole ay kordhiyeen ciidamada dowladda iyo kuwa taageeraya ee Mareykanka oo lagu qaadayo Alshabaabka ku sugan Gobolka Sh/hoose/