Monday, June 23, 2025

Ciidamada Liyu Police oo lagu eedeeyay inay laayeen Oromo ka badan 40 Qof [Wararkii ugu danbeeyay]

Wararka laga helayo dalka Itoobiya ayaa sheegaya in ciidamda Liyu Police ee dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya ay dad Oromo ah ku laayeen Gobolka Hararghe.

Warkan waxaa shaaciyey madaxda Oromada ee Gobolkaasi oo sheegay in dadka ciidamada Liyu Police ay dileen 37 qof oo Oromo ah, iyadoo la dhaawacay 44 qof oo kale, waxaana weerarkan uu ka dhacay Bariga Hararghe, ayna maanta sii kordheen dadka dhintay oo sare u dhaafay 40.

Madaxa xafiiska xiriiirka dadweynaha ee Oromada Tizita Abay ayaa caddeeyay in dadka la dilay ay weerar ku soo qaadeen Liyu Polce, waxaana dadka la dhaawacay la geeyay Isbitaalka Gara Muleta.

Ad

Ma jirto cid xaqiijisay wararka ay baaahiyeen maamulka Oromada Itoobiya, laakiin waxaa soo baxaya in dowladda federaalka Itoobiya aya arrintan ku dhex jirto iyadoo ciidamo loo diray halka ay shaqaaqadu ka dhacday.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON