Wararka laga helayo Gobolka Galgaduud ayaa caawa sheegaya in meydad hor leh laga helay xadka Gobolkaasi la wadaago dalka Itoobiya, kadib markii dad shacab ah oo ay hore u qafaasheen ciidamada ismaamulka Soomaalida ay laayeen oo meydadkooda ay dibadda soo dhigeen.
Meydadka 9 Ruux oo Shacab ah ayaa laga helay duleedka degaanka Dacdheer oo dhowaan dagaal qaraar ku dhex maray ciidanka Liyuu Boolis ee Kilinka Shanaad iyo dadka degaanka.
Meydadka ayaa loo qaaday degaano ka tirsan degaano ka tirsan Degmada Cadaado oo la filayo in Berito lagu aaso.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Galmudug, kuna saabsan arrintan cusub, waxaase hore u socday waanwaan labada dhinac u dhaxeysay oo falkan uga sii darayo.
Goobjooge.com