Monday, July 14, 2025

Ciidamada Maamulka Somaliand oo Xabsiga dhigay Nabadoonka caanka ah ee Boqor Buurmadow

Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland ay xabsi u taxaabeen Oday dhaqameedka caanka ah ee Boqor Cismaan Buur-madow.

Ciidamadda Amaanka Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay Boqor Cismaan Muxumed Maxamed (Buurmadow) oo ka tirsan madax dhaqameedka waaweyn ee degaanada Somaliland, waxaana lagu edeeyay in ku hadlay erayo lidi ku ah amaanka iyo Qaranimada Somaliland.

Afhayeenka Ciidanka Somaliland Faysal xiis Cilmi ayaa saxaafadda u xaqiijiyey Xariga Boqor Buurmadow, Isagoo ku eedeysan Qaran-dumis iyo warar been buur ah, baaritaan kadibna ayna xarigiisa u mareen qaab sharci ah oo loo jaray warqad maxkamadeed, wuxuuna intaas ku daray  inuu xiran yahay, isla markaasina la horgayn doono maxkamadda awooda u leh.

Arrinta loo heysto Boqorka ayaa ah hadallo meel ku dhac ku ah Somaliland uu ka sheegay xafladii Caleemasaarkii Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil ee ka dhacay Carmo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON