Taliska ciidamada Mareykanka ayaa maanta duqeyn dhinaca cirka ka fuliyey degmada Saakow, Gobolka J/Dhexe, sida lagu shaaciyey war-saxaafadeed kasoo baxay AFRICOM.
Qoraalka AFRICOM ayaa lagu sheegay inay duqeeyeen saldhig ah oo Alshabaab ku leedahay Saakow, iyadoo qasaaraha si hordhac ah loo sheegay ayaa ah in saldhigga uu burbur soo gaaray, ayna ka firxadeen falalkii argagixiso ee ay ku howlanaayeen.
Duqeyntan ayuu Mareykanku sheegay inaysan wax qasaare dhimasho iyo dhawac ah kasoo gaarin dad rayid ah, isla markaana ay sii wadi doonaan cadaadiska ay ku hayaan argagixisada Alshabaab ee Bariga Afrika ka howl gasha.
