Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Garoonka Diyaaradaha Hamid Karzai ee magaalada Kaabul ayaa rasaas kale adeegsaday si ay Garoonka uga saaraan kumanaan dad ah oo ku qamaamay si ay u raacaan diyaaradaha.
Rasaas xoog leh ayaa laga maqlay caawa Garoonka Kaabul, waxaana Milateriga Mareykanka laga soo xigtay inay ku qasbanaadeen inay rasaas hawada u ridaan ciidamada si ay garoonka uga banneeyaan dadka ku qamaamay diyaaradaha soo degaya iyo kuwa dhoofaya.
Ilaa hadda 10 qof ayaa ku dhintay is buurashada iyo rasaasta ay fureen ciidamada Mareykanka ee ku sugan garoonka Kaabul oo marar badan u sheegay dadka in kaliya la qaadayo diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha ajnabiga.
Sarkaal ka tirsan milatariga Mareykanka ayaa sheegay inay dib-u -bilaabeen duulimaadyadii millatariga Mareykanka ee Garoonka Kaabul, kadib markii loo hakiyay kaddib dad badani ay ku soo qulqulayeen garoonka oo fowdo xoog leh ka dhacday.
Diyaarado badan oo ay direen dalalka Reer Galbeedka ayaa ku degi waayey Garoonka Kaabul oo ay buux dhaafiyeen dadka Afghanistan-ka ah ee doonaya inay ka baxaan dalkaasi. Wararka qaar ayaa sheegaya in dadka reer Afghanistan loo sheegay haddii ay tagaan Garoonka in loo qaadayo dalalka Yurub iyo Mareykanka.
Muuqaallo naxdin leh ayaa ku faafay baraha bulshada oo muujinaya waxa ka dhacaya Garoonka Diyaaradaha magaalada Kaabul, sida tiro badan oo ku dheggan diyaaradda milatariga Mareykanka ee C-17 markii ay ka duushay garoonka caalamiga ah ee Hamid Karzai iyo qaar kasoo dhacay markii ay hawada gashay.





