Thursday, July 17, 2025

Ciidamada Milateriga oo qabtay xubno ka tirsan kooxda Alshabaab oo Ajaaniib ku jirto [Akhriso]

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in howlgal ka dhacay Gobolka Gedo ay ku qabteen xubno ka tirsan Alshabaab oo ay ku jiraan Ajaaniib.

Howlgalkan ayaa ka dhacay  magaalada Baardheere, waxaana la sheegay inuu ahaa mid qorsheysan oo lagu soo qabtay koox Amniyaadka Alshabaab  ah oo lagu eedeeyay inay dilal qorsheysan ka fuliyeen gudaha magaalada Baardheere iyo Shabakad qaraxyada diyaariya.

Taliyaha ururka 49-aad ee guutada 10Aad Xiddigle Faarax Maxamed Turbac ayaa Idaacada ciidamada Dowladda u sheegay in ragga ay ciidamada kusoo qabteen ay Al-shabaab u qaabilsanayeen Amniyaadka dilalka qorsheysan fuliya iyo shabakad qaraxyada Maleeyshiyada  Al-shabaab u diyaarisa oo ka kooban Ajaanib iyo Soomaali, ayna gacanta ku dhigeen 10 xubnood oo ka tirsan maleyshiyada Al-shabaab

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Alshabaab iyo cid xaqiijisay sheegashadan iyadoo wararka idaacadda ciidamada ee xarunteedu tahay magaalada Muqdisho aan loo helin xaqiijin.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON