Wednesday, June 25, 2025

Ciidamada Nabadsugidda oo kala eryay xaflad Safaaradda Iiraan soo qabanqaabisay (Akhri Faahfaahin)

Ciidamada Nabadsugidda Qaranka ee NISA ayaa joojiyay xaflad la sheegay inay ahayd aroos wadareed lagu soo beegay xuska Mowliidka Nebiga SCW oo magaalada Muqdisho ka dhaceysay, xafladaasi oo ay soo qabanqaabisay safaaradda Iiiraan ku leedahay Muqdisho.

Ciidamada NISA ayaa kala eryaya dadkii la isugu keenay xafladda ee arooska jamaaciga u diyaarsanaa, waxayna  fasaxeen Safiirka iyo shaqaale u dhashay Iran oo goobta ku sugnaa balse waxaa ay horay u kaxaeysteen shaqaalihii Soomaalida ahaa ee u shaqeynayey Safaaradda Iiraan.

Hay’ad lagu magacaabo Imaamu Khumeyni  oo Iiran ah Muqdisho ka waday dhowaanahan dhaqdhaqaaqyo shaki laga muujiyay, waxaana hore uga digay culimo badan oo sheegay inay Shiico faafiso hay’adaasi.

Ciidamada NISA ayaa kala dareeriyay dadkii ka soo qeyb galay xafladaasi iyagoo  amar ku bixiyay in la joojiyo guud ahaan dhaqdhaqaaqii goobta, taasoo keentay inay dadka xafladda ka qeyb galay oo uu ka mid ahaa Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa aad uga caroodo.

Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inaysan safaaradda Iiraan  soo ogeysiin hay’adaha ammaanka  xafladaas weyn, isla markaana lagu tuhmay qorshe lagu faafinayo mad-habta Shiicada, laakiin Safaaradda Iiraan ee Muqdisho ayaa beenisay arrimtaasi.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON