Saturday, July 19, 2025

Ciidamada Nabadsugidda oo qabtay dabley ka tirsan Alshabab oo fal dil ah ka fulin rabay Muqdisho

Ciidamada Hay’adda Nabadsugida Qaranka ayaa markii ugu horeysay muddooyinkan danbe ku guuleystay  inay gacanta ku soo dhigaan mid ka mid ah laba dabley oo ku dhaawacay Ganacsade  degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir shalay galabnimadii, iyadoo is rasaaseyn dhex martay kooxdii rabtay inay ganacsadaha dilaan  iyo ciidamada nabadsugida oo halkaas ka dhowaa.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in Ciidamada Nabadsugida ay dhaawacmeen kadibna qabteen mid ka mida labo dhalinyaro ka tirsan Alshabaab  oo rasaas ku furay Ganacsade, wuxuuna intaas ku daray dableyga oo dhaawac ah ay gacanta ku dhigeen.

Ninka la qabtay ee ayuu sheegay Afhayeenka inuu qirtay inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab, isla markaana kasoo galay kooxdii Xisbul Islaam. wuxuuna uu xusay in markii u horeysay ay tahay in ciidamada amniga ay ganacta ku dhigaan kooxo raba inay dil geystaan.

Wuxuu kaloo sheegay in shabakad isku xiran ay ka jirto degmada Wadajir, kuwaasoo horay dilal kala duwan uga geystay degmadaas, oo dhowaan lagu lagu qaarijiyay dad kala duwan oo dowladda u shaqeynayay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON