Sunday, August 3, 2025

Ciidamada Nabadsugidda oo qabtay Gaari miineysan oo qarax loo diyaariyay

Gaari miineysan oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa loona diyaariyay in lagu qarxiyo goobo muhiim ah ayaa saaka lagu qabtay xaafada Taleex ee degmada Hodon.

Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda NISA ayaa sheegay inay qabteen gaariga oo ku sugnaa meel u dhow Madaxtooyadii hore ee Cabdi Qaasim kadib markii ay xog ka heleen dadka degaanka.

Waxyaabaha qarxa ee lagu soo raray Gaariga oo aha nooca Kaaribka ayaa la furfuray, waxaana sidoo kale la qabtay saddex qori oo nooca AK47 ah oo la filayo in howlgal lagu sameyn rabay, balse lama sheegin cid lagu soo qabtay.

Afhayeenka Gobolka Banaadir  C/fataax Maxamed Xalane ayaa warbixin kooban ka bixiyay arrintan isagoo dadka degaanka uga mahad celiyay tallaabadii ay qaadeen.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON