Sunday, July 13, 2025

Ciidamada NISA oo xabsi u taxaabay mas’uuliyiintii sare ee xisbiga C/raxmaan C/shakuur (Akhriso)

Wararka lags helayo magaalada Muqdisho Ayala shegaya in Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa xabsiga dhigeen Mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiga Wadajir oo uu hoggaamiye u yahay Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Ciidamada Ammaanka gaar ahaan Nabad Suggida ayaa la sheegay in ay xireen Kamaal Guutaale iyo sidoo kale Sayid Cali  Macalin oo labaduna oo ka mid ah xubnaha xisbigaasi.

“Waxaa goordhow ciidanka Nabadsugida ee NISA xarig sharci daro ah u geysteen Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir Mudane Kamaal Guutaale iyo Xoghayaha Xisbiga Mudane Sayid Cali Macalin Cabdulle. Ciidanka xariga gaystay waa kuwii soo weeraray xarunta Xisbiga 17 December. ” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir.

Kamaal Guutaale iyo sidoo kale Sayid Cali ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday dacwad ka dhan ah Mas’uuliyiin ka tirsan oo ku aadan weerarkii lagu qaaday Guriga Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON