Wararka caawa laga helayo degaanada dagaaladu ka socdaan ee Gobolka Nugaal ayaa sheegaya in khasaarihii ugu cuslaa ee labada dhinac kala gaara uu galabta ka dhacay aagga Dooxada Bad-qado.
Ciidamada Puntland ayaa la sheegay in laba askari looga dilay dagaalka iyadoo dhowr kalena dhaawacyo kasoo gaareen, waxaana ciidamada Puntland ee dhaawac ah loo qaaday degmada Godob-jiraan, dhinaca Alshabaab ayaa la sheegay in qasaare dhinacooda gaaray oo aan la tiradiisa la sheegin, laakiin dhinaca Puntland ayaa sheegaya in ku dhowaad 10 dagaalyahan ay dileen, taasoo aan cidna xaqiijin karin.
Dhinaca aagga dagaalka ee Suuj, degaanka waqooyiga Bar ee degmada degmada ayaa sheegaya in dagaalkii weli socdo, balse maqrinimadii caawa uu iskiis isu taagan iyadoo xaaladu ku sugan tahay halkeedii. Dhinaca Puntland ayaa sheegay inay ku hareereysan yihiin dagaalyahanada Togga Suuj, laakiin dadka degaank ayaa sheegaya in rasaas culus iyo madaafiic la is weydaarsadaym wax horumar ahna aan laga gaarin.
Madaxda Puntland ayana wax war ah oo cusub maanta kasoo saarin dagaalka ilaa hadda ka socda labada aag, waxaan weli la dhowrayaa dagaal kale oo ka furma aagga Garacad oo ciidamo ka socda Puntland la geeyay.
Goobjooge.com