Ciidamada Puntland oo qarka u saaran dagaal ayaa furaya aag cusub oo ay ku fara saaraan maleesjiyada Alshabaab, waxaana aagga cusub ka furmaya degaanka Garacad ee gobolka Mudug oo ah halkii ugu horeysay ee ay ka degaan ciidamada Alshabaab ee Doomaha ku galay degaanada maamulka Puntland.
Dhaqdhaqaaqyo ciidan oo u dhexeeya ciidanka Puntland iyo kuwa Al-shabaab ayaa saaka laga dareemayaa deegaanka Garacad ee gobolka Mudug, ciidamada Puntland ayaan aaggan u soo dhaqaaqin inkastoo uu ahaa halkii ugu horeysay ee ay caga dhigteen maleeshiyada Alshabaab, taasoo lagu macneeyay inuu yahay dhul bannaan oo dagaalkiisu adag yahay.
Garacad ayaa ahayd goob ay Puntland ka qabanqaabineysay dekad cusub oo halkaasi laga dhiso, waxaana maamulka Mudug ay dadaal ugu jireen inay degaankaasi ka fuliyaan mashaariic horumarineed. Waxaana hadda muuqata in degaankaasi qarka u saaran yahay dagaal.
Dadkii ku k noolaa degaanka Garacad ay intooda badan ka barakacay, iyagoo ka cararay dagaal laga yaabo inuu halkaasi ka dhaco. Ciidamada Puntland iyo kuwa Al-shabaab ayaa hadda isu jira in ka yar 5-km ah, waxaana socda iyadoo xilli kasta ay suuragal tahay in dagaalkaasi qarxo.
DAGAALADII UGU DAMBEEYAY
Ciidamada Puntland waxay hore aagag dagaal uga fureen Togga Suuj iyo Degaanada ku xeeran Godobjiraan oo weli dagaaladu ka socdaan inkastoo xiligii dowladda Puntland u qabatay in lagu soo afjaro oo ahayd 72 saacadoo ay dhammaatay.
Dagaaladii ugu danbeeyay ee Jimcihii dhacay ayaa la sheegay inay qasaarela gaarsiiyay kooxda Alshabaab, taliyeyaasha Puntland ayaa sheegay inay ilaa 10 dhimasho ah ku arkeen Togga Suuj, laakiin ay filayaan inay dhimashada ka badan tahay intaas.
Puntland ayaa guulo ka sheegatay dagaaladii ka dhacay Suuj iyo aagga Godobjiraan inkastoo aan la helin wax caddeymo ah haddana waxaa muuqata in dagaalku sii daba dheeraanayo, kooxaha ku duuley xeebaha Puntland ee Alshabaab ka tirsana ay meelaha qaarkood ku go’doonsan yihiin, saadkuna ka dhammaanayo.
Saraakiisha Puntland ee kala duwan ayaa dhammaantood hadda ku wada sugan jiidaha dagaalka iyadoo dagaal buuxa ku furmay, waxaana aad looga deyrinayaa xaaladda dadka reer miyiga ah oo markii horeba ay heystay abaar darran iyo macaluul.
Goobjooge.com