Ciidamada Ammaanka maamulka Puntland ayaa xabsiga dhigay weriye ka howlgala magaalada Garowe.
Weriye Cumar Siciid Maxamed oo ka tirsan Horseed Media iyo Telefishanka Somali Cable,isla markaana ahaa xoghayaha warfaafinta ururka MAP ayaa ciidamada ka qabteen Agagaarka Madaxtooyadda Puntland, waxaana lagu xiray saldhig ku yaalla Kontoroolka Koonfureed ee Magaalada Garowe.
Wararka ayaa sheegaya in weriyaha shaki uu soo galay, kaasoo aan faahfaahin, iyadoo su’aallo lagu weydiinayo. Ma jiro wax faahfaahin ah oo laga bixiyay sababta xarigiisa.
Weriyaha ayaa baraha bulshada ku faafiyay wareysi lala yeeshay xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntalnd oo madaxda maamulkaasi ku eedeeyay inay shirko ku yihiin Makiinada lacagta faalsada sameysa ee Puntland.