Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Ruushku ku qaaday Dalka Ukraine ayaa sheegaya in ciidamada Ruushka ay gudaha u galeen caasimadda dalkaasi ee Kiev.
Dagaal culus ayaa ka socda Xaafadaha Abolon ee Caasimadda Kiev, kadib markii ay halkaasi qabsadeen Gawaarida Gaashaaman ee Ciidamada Ruushka, waxaana laga cabsi qabaa inuu go’doomiyeen caasimadda Ukrainę.
Ciidamada Ruushka ee maanta soo gaaray magaalada Kyiv, ayaa la sheegay inay adeegsanayaan ciidamo hordhac ah oo iska dhigaya ciidamadaasi markii ay qaateen dharkooda, ayna magaalada soo geiyeen sirdoon kala duwan oo wax kharibaya.
Ciidamada Ruushka ayaa ka dagaalamaya duleedka magaalada iyo qeybo ka mida gudaha magaalada, sida uu sheegay Anton Herashchenko, oo ah la-taliyaha wasiirka arrimaha gudaha ee dalkaasi.
Qaraxyo iyo digniinta weerarrada ayaa si isdaba joog ah looga maqlayaa caasimadda Kiev ee dalka Ukraine, waxaana magaalada ay qarka u saaran tahay inay qabsadaan ciidamada Ruushka oo marka hore go’doomin ku sameynaya.
Ciidamada Ukraine ayaa lagu arkay wadooyinka waaweyn ee caasimadda Kiev, iyagoo difaac ka galay Buundooyinka iyo Isgoysyada magaalada, waxaana gudaha magaalada lagu arkay ciidamada Ruushka oo wata gaadiidka dagaalka.
Jimcaha Maanta ayaa la filayaa inay noqoto ‘maalintii ugu adag’, iyadoo ciidamada Ruushka uu weerar culus ay ku qaadeen degmada Chernihiv – dhinaca Waqooyi-Bari ee caasimadda – iyo Ivankiv – dhinaca Waqooyi-Galbeed si loo hareereeyo magaaladasi oo uu ku sugan yahay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky.
Sirdoonka Maraykanku ayaa laga soo xigtay in qorshaha uu yahay in ciidamada gaarka ah ee Ruushka ay gudaha u soo galaan, ayna la wareegaan garoomada Diyaaradaha ee Sikorsky iyo Boryspil, kaasoo ay u isticmaali doonaan in lagu daabulo ciidamo aad u tiro badan oo gaaraya ilaa 10,000 oo askari kuwaas oo geli doona caasimadda Ukraine.
Howsha ugu culus ee ciidamada Gaarka ah ee Ruushka ayaa noqon doonta inay galaan magaalada Kiev, ayna soo qabataan Madaxweyne Zelensky, wasiiradiisa, iyo baarlamaanka, ka hor inta aan lagu qasbin inay saxiiaan heshiis nabadeed oo gacanta u geliya xukunka dalka Ruushka ama nidaamka taageersan.





