Wednesday, June 25, 2025

Ciidamada Somalia iyo kuwa Jabuuti oo Alshabaab kala wareegay degaano ka tirsan Hiiraan

Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM ee ka socda Jabuuti iyo  kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed ay kooxda Al-shabaabkala wareegeen degaano hoostaga Gobolka Hiiraan.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in degaanada laga saaray Alshabaab ay ka mid yihiin Afar Irdood, Ceel la-hele, Indha Caad, iyo Ceyrow oo ay ka talinayeen dagaalamaayaasha kooxda Alshabaabka.

Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakaay) oo ah  taliyaha Ururka 4-aad Guutada 10-aad ee Qeybta 21-aad ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in ciidamada dowlada ay si nabad gelyo ah Al-Shabaab ay kala waregeen deegaanadaasi, wuxuuna intaas ku daray inay ka war hayaan dhaqdhaqaaq Alshabaab  ka bilaabeen degaano ka tirsan gobalka Galgaduud.

Alshabaab ayaa la sheegay in dagaalamayaal cusub oo fara badan ay u dirtay Gobollada Hiiraan iyo Galghaduud, iyadoo ay arrintaasi dareen ka muujiyeen ciidamada dowladda ee ku sugan Gobolka Hiiraan

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON