Monday, June 23, 2025

Ciidamada Somaliland oo magaalada Laas-caanood ka masaafurinaya Dadka kasoo jeeda Koonfurta

Wararka laga helayo magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in boqolaal Soomaali ah oo ku noolaa magaaladaasi, kana soo jeeda Koonfurta Soomaaliya la masaafurinayo.

Dadkan ayaa xalay iyo shalay waxaa magaalada ka ururiyey Booliiska Somaliland ee ka howlgala Laascanood, waxaana la isugu geeyay xalay garaoonka Cabdi Bille, iyadoo saaka loo diyaariyey gaadiid waaweyn oo lagu daabulayo.

Waxay ciidamadu beegsadeen dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya guud ahaan oo ay ugu badan yihiin kuwa ka yimid Gobollada Bay iyo Bakool, waxaana laga qabqabtay goobahooda ganacsiga, suuqyada iyo gudaha magaalada.

Boqolaal dad ah ayaa la isugu geeyay Garoonka kubadda Cagta Cabdi Bile ee magaalada Laascaanood, waxaa loo diiday in halkaasi lagu booqdo, waxaana si aan bani’aadamnimo ahayn loola dhaqmay, iyadoo wararka qaar sheegayaan in ciidamada ay jirdil kula kaceen dadkii la raafayey.

Dadkan ayaa lagu eedeynayaa inay mas’uul ka yihiin falalka amni darro ee magaalada Laascaanood, iyadoo lala xiriirinayo Al-shabaab. Qaar ka mida dadka kasoo jeeda Koonfurta ayaa u baxsaday dhinaca Puntland.

Taliyaha Booliska gobolka Sool ee Somaliland ayaa sheegey inaysan ajanbi yihiin dadka kasoo jeeda Soomaaliya, ayna ula mid yihiin Itoobiyaanka. “Dadka ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya waa ajnabi waxayna noola mid yihiin Itoobiyaanka oo kale waana ka saaraynaa Laascaanood, annaga Soomaali ma nihin waxba nagama gelin; waxaanu nahay Somaliland”. Ayuu yiri G/dhexe Axmed Cabdullaahi Cabdi.

Dhinaca kale Booliska Laascaadood ayaa xabsiga dhigay weriye Mowliid Ismaaciil Digeed oo la sheegay in la qabtay xilli uu doonayay inuu kasoo warramo dadka iyo ganacsatada ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya oo laga masaafurinayo magaaladaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON