Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in ciidamada Nabasugidda Somaliland ay xasbiga dhigeen Milkiilaha Astaan TV oo xaruntiisu tahay magaalada Muqdisho.
Ciidamada sirdoonka Somaliland ayaa xalay tegay Hotelka Damal ee magaalada Hargeysa, iyadoo halkaasi ka kaxeysatay Milkiilaha Astaan TV C/manaan Yuusuf oo xarun weyn ku leh magaalada Hargeysa.
Lama oga sababta Nabadsugidda Somaliland u xirtay Cabdimannaan Yuusuf iyo waxa lagu heysto mana jirto wax war ah oo kasoo baxay Hay’adaha Amniga Somaliland, kuna saabsan xariga milkiilaha Astaan TV.
Somaliland ayaa muddooyinkii danbe xarig iyo ruqsad kala noqonsho ku heysay saxafiyiinta iyo Warbaahinta ka howlgasha Somaliland.